Xarumaha ganacsiga ee kuyaala magaalada Garoowe oo xiran

Xarumaha ganacsiga ee kuyaala magaalada Garoowe oo xiran. [Xigashada Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xarumaha waa-weyn ee muhiimka ah ee ganacsiga oo kuyaala magaalada Garoowe ayaa xiran maanta oo Arbaco ah.

Ganacsatada ayaa go’aan ku gaartay in ay xiraan goobahooda ganacsiga kadib markii ay dowladdu ku khasabtay in ay qaataan lacagta duuga ah ee Shillin Soomaaliga, sida il-wareedyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Gudaha Puntland, ganacsatada ayaa diiday in ay qaataan lacagta duuga ah ee Shillin Soomaaliga, taasoo keentay sicir barar balaaran oo ku yimid qiimaha maciishada asbuucyadii lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*