Tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya oo 7 bisha December ka furmi doona Kismaayo

Sawirka: Wasiiradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kismaayo-(Puntland Mirror) Tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa a 7 bisha soo socota ee December ka furmi doona magaalada Kismaayo, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirk a dhacay Kismaayo oo u dhaxeeyay wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya iyo wasaaraddaha ciyaaraha  ee maamul goboleedyada.

Tartanka oo la qorsheeyay in la qabto bishii lasoo dhaafay ee October ayaa baaqday, sababo aan la sheegin.

Tartankan ayaa noqon doona kii labaad oo loo qabto maamul goboleedyada Soomaaliya.

Xidigo ka socday Puntland ayaa ku guuleystay tartankii kowaad ee kubada cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii 2016-ka, iyaga oo gool ku laad kaga adkaaday Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*