Baarlamaanka dowlada Puntland oo iclaamiyay wakhtiga codka loo qaadayo murashaxiinta aqalka sare

img_6071
Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee baarlamaanka dowlada Puntland. [Sawirka: Puntlandparliament.net]
 Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka dowlada Puntland ayaa maanta oo Axad ah faafiyay magacyada murashaxiinta u tartamaya aqalka saree e Soomaaliya si ay dowlada federaalka Soomaaliya ugu matalaan Puntland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi oo saxaafada maxaliga ah la hadlay ayaa sheegay in maalinta Khamiista ee asbuucaan ay codka ansaxinta xubnaha tartamaya ay dhici doonto.

Magacyada uu baarlamaanka codka u qaadi doono:

  1. Saynab Xaashi Biixi, waxaa la tartamaya:

-Shukri Aadan Maxamed.

-Xaawo Caynab Cabdi.

  1. Hodon Maxamuud Cismaan, waxaa la tartamaya:

-Basro Cumar Geele.

  1. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa la tartamaya:

-Aamino Aadan Cabdullaahi.

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Farole”, waxaa la tartamaya:

-Cabdi Mahad Abshir Cismaan.

  1. Siciido Xassan Cismaan, waxaa la tartamaya:

-Axmed Cabdala Tigaana.

-Siciid Maxamuud Aadan.

-Maxamed Maxamuud Cali Bile.

  1. Cabdirisaaq Xassan Cismaan Juurile, waxaa la tartamaya:

-Hodon Ismaaciil Cilmi.

  1. Maxamuud Axmed Maxamuud, waxaa la tartamaya:

-Faadumo Siciid Maxamed.

  1. Maxamed Siciid Xirsi’’Moorgan’’, waxaa la tartamaya:

-Maxamuud Cali Siciid.

-Bootaan Bare Samatar.

  1. Cabdixakiin Axmed Xaashi, waxaa la tartamaya:

-Mahad Daahir Sheekh Nuur.

-Cabdulqaadir Faarax Shaaciye.

  1. Cali Ismaaciil Cabdi Giir, waxaa la tartamaya:

-Shukri Cabdullaahi Maxamuud.

-Farxaan Cali Xusseen.

  1. Cabdisalaan Xaaji Maxamuud Dheere, waxaa la tartamaya:

-Siciid Maxamed Cali.

-Faarax Cawad Jaamac.

Madaxweynaha Puntland oo isbadal ku sameeyay liiska

Kadib markii dhawaan ay bayaan soo saareen guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo ay dib ugu cesheen qaybo kamid ah maamul goboleedyada Soomaaliya in ay liiska xubnaha u sharaxan aqalka sare ay soo waafajiyaan qoondada haweenka, ayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali isbadal kooban ku sameeyay liiska xubnaha u tartamaya aqalka sare.

Madaxweynaha ayaa labo kamid ah tartamayaasha u qoondeeyay in ay haween kusoo baxaan, kadib markii uu ka saaray raggii tartanka kula jiray.

Sida liiska ka muuqata labo kursi ayaa waxaa ku tartamaya afar haween ah iyagoo labo kamid ah ay soo bixi doonto.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*