Tobonaan ciidamo Mareykan ah oo la geeyay gudaha Soomaaliya

Tobonaan ciidamo Mareykan ah oo la geeyay gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Tobonaan katirsan askarta Mareykanka ayaa la geeyay magaalada Muqdisho si ay u tababaraan una qalabeeyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab, sida saraakiil katirsan milatariga Mareykanka ay u sheegeen idaacada Voa.

Ciidamada tagay ayaa sumadinaya markii ugu horeysay in ciidamo Mareykan ah ay joogaan gudaha Soomaaliya, iyadoo kuwo kale oo yar oo la taliyeyaal argagixiso la dirir ah ay horey u joogeen tan iyo bishii Maarso sanadkii 1994-tii markii Mareykanku uu ka baxay howlgalkii farogelinta ahaa ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo howlgalkaas Mareykanka looga dilay 18 askari kadib markii ay dagaal la galeen maleeshiyaad Soomaali ah.

“Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika waxay qaadi doonaan howlgalo kala duwan oo dhanka amniga ah iyo falal caawimaad ah oo ka dhacaya gudaha Soomaaliya si loo taageero saaxiibadayada iyo jaalayaashayada,” Pat Barnes oo u hadlay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa u sheegay Voa.

Tilaabada ayaa tusaale kale u ah dardargelinta dadaalada Mareykanka si loo taageero la dagaalanka argagixisada caalamka, sarkaal kale oo Mareykan ah ayaa sidaa sheegay.

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ujeedada howlgalku uu yahay sidii loo dhisi lahaa awooda xulufada dagaalka kula jirta ururka hubaysan ee Al-Shabaab.

Tobonaan ka socda guutada  101 ee ciidamada cirka ee Ft. Campbell, Kentucky, ayaa tagay Muqdisho 2-dii bishan April kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, sida sarkaal milatari uu u sheegay Voa.

Mareykanka ayaa waxaa horey gudaha Soomaaliya uga joogay cutub yar oo u dhaxeeya 30 ilaa 50, kuwaasoo taageero siiya milatariga Soomaaliya.

Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Al-Shabaab ugu yeeray in ay isku-dhiibaan muddo 60-beri gudahood ah ayna ku noqdaan waxbarashada iyo shaqooyinka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerarkeedii ugu dambeeyay ka geysatay gudaha Muqdisho asbuucii lasoo dhaafay, waxayna ku bartilmaameedsatay saraakiil sare oo ka ambabaxayay saldhig milatari, ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay weerarka oo ahaa qarax gaari kaasoo burburiyay gaari bas ah oo marayay goobta uu qaraxu ka dhacay ayna saarnaayeen dad shacab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*