Qaramada Midoobay oo codsatay in saddex kamid ah murashaxiinta aqalka sare ee Soomaaliya laga saaro liiska

Qaramada Midoobay oo codsatay in saddex kamid ah murashaxiinta aqalka sare ee Soomaaliya laga saaro liiska. [Graphic design: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Waraaqo rasmi ah oo uu diray wakiilka Qaramada Midoobay ee xoghayaha guud ahna madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Ambaasadoor Michael Keating aya lagu sheegay walaac khatar ah oo laga qabo qaybo kamid ah murashaxiinta aqalka sare ee Soomaaliya.

Waraaqaha oo loo diray hoggaamiyaasha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland, ayaa Michael Keating ku xusay in Beesha Caalamka ay walaac ka qabto murashaxiin kuwaasoo ka qaybgalay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya, waxayna ka codsadeen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada in ay ka saaraan liiska murashaxiinta.

Sida lagu sheegay waraaqaha, murashaxiinta la sheegay ayaa waxa ay kala yihiin; Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid, Janaraal Maxamed Xirsi “Moorgan” iyo Axmed Xaashi Maxamed, kuwaasoo ah murashaxiin u tartamaya si ay Galmudug, Puntland iyo Jubbland ugu matalaan aqalka sare ee federaalka Soomaaliya.

Walaacan ayaa imaanaya, iyadoo shalay oo Sabti ahayd maamulka Galmudug uu Cadaado ku qabtay doorashada xubnaha aqalka sare waxaana kamid ahaa Cabdi Qaybdiid oo lagu ansixiyay doorashada. Dhanka kale murashaxiinta Puntland iyo Jubbaland ayaan wali hortagin baarlamaanka maamuladaas.

Si kastoo ay ahaataba, saraakiisha Galmudug, Puntland iyo Jubbaland wali kama aysan hadlin bayaanka kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee lagu codsaday in saddexdaas murashax looga saaro liiska.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*