Baarlamaanka Carabta oo taageeray midnimada iyo xuduudaha dalka Soomaaliya, uguna baaqay Kenya in ay faraha kala baxdo biyaha Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Carabta ayaa taageeray midnimada iyo xuduudaha dalka Soomaaliya.

“Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyadeeda, milgaheeda, beri, bad iyo cir,” sidaa ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya, oo soo xiganaysa hindise ku salaysan xaalada Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta ayaa Kenya ugu baaqay in ay faraha kala baxdo biyaha dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaanka.

“Waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo biyo goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog.” Ayaa lagu sii sheegay bayaanka.

“Sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.”

Go’aanka ayaa imaanaya xilli uu meeshii ugu hooseysay marayo xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Tan iyo bishii Febaraayo ee sanadkan xiriirka labada dal ayaa sii xumaanayay kadib markii Kenya ay ku eedaysay Soomaaliya in ay shirkii London ee soo bandhigista xirmooyinka shidaalka ay Soomaaliya ku dartay meelo kuyaala badda lagu muransanyahay, inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Tan iyo wakhtigaas Nairobi ayaa qaaday tilaabooyin ay culeys ku saarayso Soomaaliya sida in ay diiday baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya iyo in ay soo celisay marinkii diyaaradaha ee Wajeer kahor inta aysan tagin Nairobi.

Muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa hadda gacanta ku haysa maxkamada ICJ, waxaana la filayaa in dabayaaqada sanadkan 2019 ay soo bixi doonaan natiijooyin hor dhac ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*