Shirkada Hormuud uu sheegtay in NISA xirtay saddex kamid ah shaqaalaheeda

Xarunta weyn ee Hormuud Muqdisho. [Isha Sawirka: Hormuud Website]

Muqgisho-(Puntland Mirror) Shirkada Hormuud Telecom ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in saraakiil ka tirsan NISA ay weerareen mid ka mid ah xarumaha ay ku leedahay magaalada Muqdisho Axadii, iyagoo ku eedeeyay in saraakiishaas ay shaqaalaha ka dalbadeen in loo daabaco transactions EVC Plus.

War-saxaafadeedka ka soo baxay shirkadu wuxuu intaas ku daray in shaqaaluhu ay diideen inay u hoggaansamaan dalabka ah in la sii daayo xogta macaamilka, iyadoo la tixraacayo waajibaadka sharci ee waafaqsan sharciga ICT-ga qaranka. Inkastoo ay diideen, haddana saraakiisha NISA ayaa dhibbaato u geystay xafiiska iyagoona xabsiga dhigay ugu yaraan saddex qof.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*