Camay: Puntland waxay balanqaadaysaa inta la xoreynayo Laascaano in dagaalka uusan istaagin

Camay ayaa Arbacadii u safray magaalada Buuhoodle. [Sawirka]
Buuhoodle-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ayaa sheegay in dagaalka hadda u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland uusan joogsami doonin ilaa Somliland laga xoreeyo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Isaga oo la hadlayay boqolaal shacabka reer Buuhoodle ah maanta oo Khamiis ah Cabdixakiin Cumar Camay ayaa yiri: “Anoo Madaxweyne Ku Xigeenkii Puntland ah, Puntland waxay balanqaadaysaa inta la xoreynayo Laascaano in dagaalkaas uusan istaagin.”

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ayaa shalay oo Arbaco ahayd u safray magaalada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay kulankii Khamiis laha ahaa ee golaha wasiiradda Puntland ayaa lagu sheegay in  duulaanka lagu soo qaaday Puntland inaan laga faa’iidi-doonin, isla’ markaana Puntland ay soo celin-doonto dhammaan deegaamada ka maqan, wuxuuna goluhu ku celiyay dhibaatada loo geystey shacabka Laascaanood in uu mas’uuliyadeeda qaadi-doono Maamulka Hargeysa.

Isniintii, mudaaharaad nabadgelyo ah oo ay dhigayeen shacabka magaalada Laascaanood ayaa isu bedelay qalalaase dhiig ku daatay ka dib markii maamulka Soomaaliland ay kala hortageen weerar arxan daro  iyo xoog-sheegasho ah dadkii mudaharaadayey iyaga oo u isticmaalay rasaas nool.

Dad fara badan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada Laascaanood iyaga kaga soo horjeeda dagaalka ka socda Tukaraq iyo haysashada ay Soomaaliland haysato deegaano ka mid ah gobolka Sool. Mudaharaadka waxaa ka qaybgalay boqolaal qof oo muddo dheer u adkeysaneyey cadaadiska iyo caburinta ay Soomaaliland ku hayso shacabka gobolka Sool. Waxay mudaharaadayaashu dalbanayeen in Soomaaliland kala baxdo ciidankeeda gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*