Kulan u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo ka socda Dhuusamareeb

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Sabriye iyo madaxa xukuumada Galmudug Shiikh Shaakir. [Sawir Hore]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Shirar u dhaxeeya masuuliyiinta sare ee maamul goboleedka Galmudug iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegeen ilo-wareedyo halkaas ku sugan.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Jimcadii tagay magaalada Dhuusamareeb. Safarkiisa ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu soo saaray go’aan uu ku sheegay in masuuliyiin ka socda dowladda federaalka Soomaaliya aysan imaan karin halkaas.

Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in wasiirka arrimaha gudaha uu rabo in uu ka dhaadhiciyo madaxda Galmudug gaar ahaan garabka Ahlu Sunna in doorashada madaxtinimada Galmudug ay dhawaan ka dhacdo Dhuusamareeb.

Asbuucii lasoo dhaafay, wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda maamulka Galmudug in doorashooyinka lagu qabto wakhtigooda.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in muddada xil haynta madaxweynaha Galmudug ay ku egtahay 4-ta Luulyo ee sanadkan 2019.

Madaxweyne Xaaf ayaa kasoo horjeestay baaqa kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku tilmaamay sharci daro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*