Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya oo ugu baaqday madaxda Galmudug in doorashooyinka lagu qabto wakhtigooda

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxda maamulka Galmudug in doorashooyinka lagu qabto wakhtigooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aadan hirgalinta doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxda Galmudug waxaa ay ugu baaqaysaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug in doorashooyinkaas lagu qabto muddadii loo asteeyay, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan.” Ayaa lagu sheegay bayaanka oo soo baxay Talaadadii.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in la qabto shir dib u heshiisiin oo lagu xalinayo arrimaha maamulkaas.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in muddada xil haynta madaxweynaha Galmudug ay ku egtahay 4-ta Luulyo ee sanadkan 2019.

Galmudug oo ah maamul goboleed kuyaala bartamaha Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeya masuuliyiinta sare, kuwaasoo kala fadhiya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa ku adkaysanaya in muddada xil hayntiisa oo afar sanno ah ay ka bilaabmayso markii la doortay bishii May 2017, balse dowladda federaalka Soomaaliya oo uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Xaaf muddadii u dambeysay ayaa sheegaysa in xil hayntiisu tahay labbo sanno oo uu ku dhamaystirmi doonta afartii sanno ee Cabdikariim Guuleed kaasoo iscasilay kadib markii uu labbo sanno xilka hayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*