Dagaal culus oo u dhaxeeya Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka qarxay gudaha gobolka Mudug

Dagaal culus oo u dhaxeeya Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka qarxay gudaha gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Dagaal culus oo u dhaxeeya Galmudug iyo Al-Shabaab oo ka qarxay gudaha gobolka Mudug. [Sawirka: Archive]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Dagaal culus ayaa ka qarxay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Dagaalka oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyada Galmudug oo ay taageerayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilaabmay saakay oo Arbaco ah.

Ilo-wareedyada ayaa sheegaya, in dhinacyada dagaalamaya ay adeegsanaayan hubka culus, diyaarado looga shaki qabo in Mareykanku leeyahay ayaa sidoo kale ka qeybqaadanaya dagaalka.

Labada dhinac ayaa deegaanadaas shalay oo Talaado ahayd ku dagaalamay.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka, balse warsidaha Puntland Mirror si madax-banaan uma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta oo Arbaco ah halkaas ka dhacaya.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*