Kalafadhigii kowaad ee golaha deegaanka cusub ee Dangorayo oo furmay

16111872_1847073938908306_1068103885_n
Kalafadhigii kowaad ee golaha deegaanka cusub ee Dangorayo oo furmay. [Lahaanshaha Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Kalafadhigii kowaad ee golaha deegaanka cusub ee Dangorayo ayaa maanta oo Axad ah ka furmay degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal, sida ay sheegeen maamulka degmadu.

Kulanka oo socon doona muddo shan beri ah ayaa diirada lagu saarayaa, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, sidoo kale waxaa looga hadli doonaa miisaaniyada degmada ee sandka 2017-ka.

Waxaa kalafadhiga ka qeybgalay masuuliyiin ka socday dowladda oo  ay kamdi ahaayeen guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdicasiis Cilmi Koor.

Waa kalafadhigii kowaad oo ay yeeshaan golaha cusub ee degmada Dangorayo, tan iyo markii 22-kii bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ay golaha deegaanka degmada Dangorayo doorasho muran badan ka dhashay ay  Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed  ugu doorteen guddoomiye.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*