Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mukhtaar Roobow

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Mukhtaar Roobow. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaalyahano hubaysan oo ka socda Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore saakay oo Arbaco ah weerar culus ku qaaday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Dagaal culus oo u dhaxeeya labada dhinac ayaa hadda ka socda deegaan u dhow magaalada Xudur ee gobolka Bakool, sida ay wararku sheegayaan.

Bishii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa bilowday ugaarsiga si ay u dilaan ama u qabtaan Mukhtaar Roobow Abu Mansuur kadib markii dhawaan Mareykanku uu ka saaray liiska argagixisada.

Abu Mansuur oo horey u soo noqday hoggaamiye ku xigeenka iyo afhayeenka kooxda ayaa tan iyo sanadkii 2013-kii ku dhuumanayay deegaano kuyaala gobolada Bay iyo Bakool halkaas oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Bishii June ee sanadkan, Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay liiska argagixisada ka saartay Mukhtaar Roobow Abu Mansuur.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa sanadihii lasoo dhaafay aan xiriir fiican la lahayn ururka Al-Shabaab kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane kaas oo Mareykanku duqeyn ku dilay sanadkii 2014-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*