Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku gaaray Gaalkacyo

Waa kulankii ugu horeeyay ee labada madaxweyne, 26 June, Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Puntland iyo Galmudug ayaa isku afgartay in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha ammaanka, dib u sheesiinta, iyo xoojinta siyaasadda iyo dhaqaalaha, kadib kulan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta oo Jimce ah.

Labada maamul ayaa ku heshiiyay sameynta guddiyo ka shaqeeya waxyaabaha lagu heshiiyay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Kulanka ka dhacay Gaalkacyo ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo labada madaxweyne ay yeeshaan tan iyo markii xilka ay qabteen.

Bilihii la soo dhaafay, labada maamul ayaa iska kaashanayay howlgalada amaanka gobolka Mudug, taasoo keentay in la dilo kooxo katirsan xagjiriinta Al-Shabaab, kuwo kalena la qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*