Saddex qof oo ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay banaanka saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Saldhiga ayaa tababar lagu siiyaa ciidanka Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho maanta oo Talaado ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay banaanka saldhiga Turkiga ee Muqdisho kadib markii ilaalada goobta joogtay ay u diideen in uu galo gudaha.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa kamid ah qof rabay in uu iska qoro saldhiga Turkiga, iyo qof meesha marayay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Saldhiga Turkiga ee Muqdisho, oo la furay sanadkii 2017, ayaa lagu tababaraa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*