Al-Shabaab iyo ISIS oo tartan ugu jira canshuurista khasabka ah ee ganacsatada Puntland

Al-Shabaab waxay ahayd kooxda argagixiso ee keliya oo ka jirta Puntland kahor soo if-bixii ISIS.

Boosaaso-(Puntland Mirror) Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa la kulmay hanjabaadyo kaga timid Daacish, oo sidoo kale loo yaqaan ISIS.

Mid kamid ah ganacsatada, oo magaciisa qariyay, ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in maleeshiyada ISIS ay soo wacday ganacsatada ayna ku khasbeen in ay bixiyaan canshuur.

“Inta badan ganacsatada Boosaaso ayaa wicitaano ka helay ISIS ay ku weydiinayaan in ay bixiyaan waxay ugu yeereen canshuur,” ganacsadaha ayaa yiri.

Kooxda maleeshiyada ah ayaa u hanjabtay ganacsatada haddii ay bixin waayaan lacagta, sida ganacsaduhu sheegay.

“Waxay ku hanjabeen in ay dili doonaan ganacsatada haddii aysan bixin waxa ay maleeshiyadu rabto,” ganacsadaha magaciisa qariyay ayaa yiri.

Maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo kacdoonkeeda ka bilowday Buuraha Galgala sanadkii 2010, ayaa ahayd kooxda keliya ee canshuur ka qaadi jirtay ganacsatada Boosaaso, sida ay sheegeen masuuliyiinta sare.

Isaga oo ka hadlayay ganacsato diiday canshuur dheeraad ah oo dowladdu ku soo rogtay sanadkii 2017, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ganacsatada ku eedeeyay in ay canshuur siiyaan Al-Shabaab.

Dilka ganacsatada

Dhowr ganacsade ayaa lagu dilay Boosaaso tan iyo rubuc dhammaadkii sanadkii 2017. Ganacsatada ayaa la sheegay in loo bartilmaameedsanayo maxaa yeelay waxay diideen in ay bixiyaan canshuurta ISIS.

Ganacsatada la bartilmaameedsaday waxaa kamid ahaa maamule ku xigeenkii shirkada taleefoonada Golis, Cabdullaahi Cali Cumar, kaasoo lagu dilay Boosaaso bishii Agoosto ee sanadkan.

Dhammaan dilalkan ayaa looga shaki qabaa in ay ka dambeyso ISIS sababtoo ah ganacsatada ayaa diiday in ay bixiyaan dalabka kooxda.

Ma jirto cid loo soo qabtay dilalkaas, sida ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Maleeshiyada ISIS oo uu hoggaamiyo Cabdulqaadir Muumin ayaa weli ku dhuumaanaysanaya gobolka Bari, waxaana loo maleynayaa in ay ka abuureen koox sirdoon oo loo yaqaan Amniyaat gudaha Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Waxaa lagu eedeeyay in kooxda Amniyaatka ISIS ay masuul ka yihiin dilida saraakiisha dowladda iyo bartilmaameedsiga ganacsatada kuwaasoo diida bixinta canshuurta ISIS.

Dagaal gelid

Abuucii lasoo dhaafay, maleeshiyaad ka socda Al-Shabaab iyo ISIS ayaa isku dhacay deegaanka miyiga ah ee Miiraale, oo  dhowr kiilomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa ahayd kooxda argagixiso ee keliya oo ka jirta Puntland kahor intaan koox tiro yar aysan iyada ka jabin dabayaaqadii sanadkii 2015 kuna dhawaaqay in ay ku biireen ISIS.

Cabdi Cumar Bile, oo ah suxufi madax-banaan oo ku sugan Puntland, kaasoo tabiya wararka ammaanka la xiriira, ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan uu hoosta ka xariiqayo in Al-Shabaab ay ka wel-wel qabto joogista sii kordhaysa ee ISIS ee gobolka, sidaa darteed taasii waxay keentay weerarkan cusub.

“ISIS waxay lahayd ku dhawaad 20 dagaalyahan markii ay soo ifbaxday bishii Oktoobar 2015, haddana waxay leedahay qiyaastii 150 maleeshiyo, tani waxay caddeyneysaa in ay sii xoogaysatay.” Ayuu yiri.

Waxa uu ku sii daray: “canshuur uruurinta ISIS waxay caqabad ku noqotay Al-Shabaab, taasoo lacago khasab ah ka qaadi jirtay ganacsatada muddo sannooyin ah, sidaa darteed tilaabada hubeysan ee ay qaaday Al-Shabaab waxa weeye in ay ka hortagto koritaanka-deg-dega ah ee kooxda loolanka kula jirta, ISIS.”

Khamiistii, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxa ISIS ee ku sugan Soomaaliya.

Bayaan ay daabaceen warbaahinta taageerta Al-Shabaab, afhayeenka kooxda Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa ku qeexay ISIS sida “xanuunka kansarka”, isaga oo wacad ku maray in uu salka ka rujin doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*