Russia oo Soomaaliya ka cafiyay deyn dhan $684 milyan

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Igorevich Maksimov oo saxiixaya heshiiska. [Isha Sawirka: OPM]

Moscow-(Puntland Mirror) Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo dhan 684 milyan oo dollar. Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Saint Petersburg, halkaasoo lagu wado inuu maanta ka furmo shirka Ruushka iyo Afrika.

Cafinta deymaha ayaa ah mid wax weyn ka tari doonta Soomaaliya oo dadaal ugu jirtay sidii looga dhaafi lahaa deyn dhan $5 bilyan. Dhaqaalaha dalka waxaa saameeyay colaado iyo abaaro sanado badan socday.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*