Golaha wasiiradda Puntland oo Somaliland uga digay in ay sanaadiiqda doorashada geeyaan gobolada Sool, Cayn, Sanaag iyo Hayland

Sawirka: Shirka Golaha Wasiiradda Puntland. [xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Puntland ayaa sheegay in gobolada Sool, Cayn, Sanaag iyo Hayland aysan ka dhici doonin doorashada Somaliland, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay shirkii asbuuclaha ahaa ee golaha.

Golaha wasiiradda ayaa intaas ku daray in Puntland ay ilaalinayso nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, isla markaana aysan ogolaan doonin daandaansiga ka imaanaya maamulka Somaliland ee ku aadan xuduudaha dowladda Puntland.

Shirka asbuuclaha ah ee golaha wasiiradda oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.

Dhawaan, baarlamaanka Puntland ayaa dood dheer ay yeesheen ku sheegay in goboladaas aan la keeni karin sanaadiiqda doorashada Somaliland oo la filayo in ay dhacdo dabayaaqada bishaan November.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*