Munaasabada xil-wareejinta oo lagu qabtay isbitaalka Garoowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Jaamac Faarax Xasan, duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, masuuliyiin katirsan haayadaha dowladda, culimada, iyo bulshada rayidka ah.
“Waxaanu ku daali doonaa in aan wax badan ka qaban doono shaqada isbitaalka iyo adeega caafimaad ee aan bulshada siinayno. Arrimaha aan muhiimad balaaran siin doono waxaa kamid ah tayaynta shaqaalaha isbitaalka, waxaan isbitaalka u sameyn doonaa dhaqaale uruurin si waxyaabo badan oo isbitaalku uu aad ugu baahanyahay loo helo.” Ayay tiri.
Waxay sheegtay in ay isbitaalka ku soo dari doonto adeegyo caafimaad iyo qalab baahi loo qabo.
“Haddii Alle Idmo waxaan isbitaalka ku soo biirin doonaa dhammaan takhasusyada loo baahanyahay sida lafaha iyo qaliinka, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii isbitaalka uu u heli lahaa qalab casri ah sida CT scan-no iyo qalabka kelyaha lagu sifeeyo.”
Dr Xabiibo ayaa xustay in ay isku xiri doonto bulshada magaalada iyo isbitaalka si loo helo bulsho wadajir ah oo is kaashan karta.
Ugu dambeyna waxay bulshada kunool Garoowe ka codsatay in ay si dhab ah ula shaqeeyaan si ay ugu guuleysato masuuliyada loo dhiibay.
Isbitaalka Garoowe ayaa sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay waxaa la degay adeeg la’aan caafimaad iyo maamul xumo, taasoo dadka intooda badan ee awooda ku khasabtay in ay daaweyn caafimaad u raadsadaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee kuyaala magaalada.