Agaasimaha cusub ee isbitaalka Garoowe Dr Xabiibo Nuux Ismaaciil oo xafiiska la wareegtay

Agaasimihii hore Maxamed Gacal oo xilka ku wareejinaya agaasimaha xusub Dr xabiibo. [Xigashada Sawirka: Shareeco Yasin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Agaasimaha cusub ee isbitaalka Garoowe Dr Xabiibo Nuux Ismaaciil ayaa maanta oo Sabti ah xafiiska la wareegtay.

Munaasabada xil-wareejinta oo lagu qabtay isbitaalka Garoowe ayaa waxaa kasoo qeybgalay wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Jaamac Faarax Xasan, duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse, masuuliyiin katirsan haayadaha dowladda, culimada, iyo bulshada rayidka ah.

Dad ka soo qeyb galay munaasabada xilwareejinta. [Xigashada Sawirka: Shareeco Yasin Shareeco]
Dr Xabiibo, oo ah dhakhtarad si weyn looga yaqaan deegaanada Puntland ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee isbitaalka Garoowe, sida lagu sheegay digreeto ku taariikheynayd 22-ka May oo ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka Puntland.

Agaasimaha cusub oo hadal ka jeedinaysa munaasabada xilwareejinta. [Xigashada Sawirka: Shareeco Yasin Shareeco]
Agaasimaha cusub ayaa munaasabadii xilwareejinta ka dhex sheegtay in ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha ka jira isbitaalka guud ee Garoowe.

“Waxaanu ku daali doonaa in aan wax badan ka qaban doono shaqada isbitaalka iyo adeega caafimaad ee aan bulshada siinayno. Arrimaha aan muhiimad balaaran siin doono waxaa kamid ah tayaynta shaqaalaha isbitaalka, waxaan isbitaalka u sameyn doonaa dhaqaale uruurin si waxyaabo badan oo isbitaalku uu aad ugu baahanyahay loo helo.” Ayay tiri.

Waxay sheegtay in ay isbitaalka ku soo dari doonto adeegyo caafimaad iyo qalab baahi loo qabo.

“Haddii Alle Idmo waxaan isbitaalka ku soo biirin doonaa dhammaan takhasusyada loo baahanyahay sida lafaha iyo qaliinka, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii isbitaalka uu u heli lahaa qalab casri ah sida CT scan-no iyo qalabka kelyaha lagu sifeeyo.”

Dr Xabiibo ayaa xustay in ay isku xiri doonto bulshada magaalada iyo isbitaalka si loo helo bulsho wadajir ah oo is kaashan karta.

Ugu dambeyna waxay bulshada kunool Garoowe ka codsatay in ay si dhab ah ula shaqeeyaan si ay ugu guuleysato masuuliyada loo dhiibay.

Isbitaalka Garoowe ayaa sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay waxaa la degay adeeg la’aan caafimaad iyo maamul xumo, taasoo dadka intooda badan ee awooda ku khasabtay in ay daaweyn caafimaad u raadsadaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay ee kuyaala magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*