Ciidamada Puntland oo dib u gala wareegay magaalo xeebeedka Qandala maleeshiyada ISIS

Ciidamada ammaanka Puntland (PSF). [Sawirka: Archive]
Ciidamada ammaanka Puntland (PSF). [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah dib u agala wareegay magaalo xeebeedka maleeshiyada ISIS,sida uu sheegay sargaal.

Sargaal ammaanka ah, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen magaalada Qandala.

“Kadib dhowr maalmood oo dagaal ah, ciidamadayadu waxay si buuxda u la wareegeen Qandala saakay, maleeshiyadii argagixisada ahayd waxay ka carareen inta aanu imaan gudaha magaalada.” Ayuu yiri sargaalku.

Ugu yaraan 23 maleeshiyo ISIS ah iyo saddex ciidamada Puntland ah ayaa ku dhimatay intii ay socdeen dagaaladii u dhaxeeyay labada dhinac, sida uu sheegay sargaalku.

“Waxaanu dilnay ilaa iyo 23 dagaalyahan oo ISIS ah,” Ayuu yiri sargaalku.

“Anaga waxaa naga dhimatay saddex askari.” Ayuu ku daray.

Qandala waxay ku taalaa qiyaastii 75km dhanka bari ee Boosaaso, magaalada ayaa gacanta ISIS ku dhacday bishii Oktoobar ee sanadkan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*