Juba-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka cusub ee dalka Koonfurta Suudaan Taban Deng Gai ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha falaagada Riek Machar inuu daahinayo heshiiskii nabada oo ujeedkiisuu ahaa soo afjarida colaadaha ka jira Koonfurta Suudaan.
Taban Deng Gai ayaa sheegay in Riek Machar uu dowlad barbar-socod ah uu ka dhisay caasimada Juba kahor inta uusan ka cararin magaalada Juba oo ay dagaalo culus ka dhaceen bishii July ee lasoo dhaafay, kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo falaagada uu hoggaamiyo Machar.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada falaagada iyo kuwa dowlada la isku dari doono bisha May ee sanadka soo socda.
Gai ayaa sheegay in qaranimada dalka ay ka weyn-tahay shaqsiyaad, isagoo intaas ku daray in ay wadahadal la yeelan doonaan Riek Machar haddii uu go’aan ku gaaro inuu kusoo noqdo caasimada Juba.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa dhawaan u magacaabay Taban Deng Gai inuu badelo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Riek Machar.
Dalka Koonfurta Suudaan oo xornimadiida helay sanadkii 2011-kii, ayaa galay colaado sokeeye sanadkii 2013-kii, colaadahaas ayaa u dhaxeeyay Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisii hore ee Riek Machar.