Dhowr qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Munich ee dalka Jarmalka

booliis
Booliiska Jarmalka. Sawirka: EPA.

Munich-(Puntland Mirror) Dhowr qof ayaa lagu dilay kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xarun dukaamaysi oo ku taala magaalada Munich ee dalka Jarmalka, sida ay booliiska Jarmalka u sheegeen wakaalada wararka AP, iyagoo intaas ku daray dadkii danbiga sameeyay in ay wali booliiska ay ugaarsanayaan.

Xarunta uu weerarka ka dhacay ayaa la dhahaa “Olymia shopping centre”, taasoo ku taala galbeedka magaalada Munich.

Booliiska Jarmalka ayaa dadka ka codsaday in ay ka tagaan wadooyinka, sidoo kalena waxa ay ku amreen dadka dukaamaysanayay in aysan ka bixin goobta.

Cidina si dhaqso ah uma sheegan masuuliyada weerarkaas, balse wuxuu u egyahay kuwo hore oo kooxda ISIS ka geystay wadamada reer galbeedka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*