Labo kamid ah burcadbadeeda Soomaaliya oo meydkooda laga helay gobolka Sanaag

Labo kamid ah burcadbadeeda Soomaaliya oo meydkooda laga helay gobolka Sanaag. [Xigashada Sawirka: AFP]
Garoowe-(Puntland Mirror) Meydka labo qof oo dhintay ayaa laga helay tuulo xeebeedka Daruuro ee gobolka Sanaag, sida dadka deegaanka jooga ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Labada meyd ayaa waxaa meel u dhow xeebta saakay oo Axad ahayd uga tagay burcadbadeed Soomaali ah, sida dadka deegaanku ay sheegeen.

Wakaalada wararka AP oo soo xiganaysa ilo-wareed katirsan ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda Puntland ayaa sheegay in ciidamada badda ee ajnabiga ah ee jooga biyaha caalamaiga ah ee xeebaha Soomaaliya ay toogteen labo burcadbadeed ah ayna dhaawaceen mid kale kadib markii burcadbadeeda ay isku dayeen in ay afduubtaan markab.

Labada nin ayaa qayb ka ahaa koox burcadbadeeda oo u dhowaaday in ay afduubtaan markab aan la aqoon oo marayay meel u dhow Gacanka Cadmeed markii ay ciidamada badda ay ku fureen rasaas iyaga, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Lix kale oo burcadbadeeda katirsan ayaa ka badbaaday weerarka oo ka baxsaday, sida ilo-wareedku ay AP u sheegeen.

Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*