Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga shidaalka

Farmaajo oo saxiixaya sharciga shidaalka, Muqdisho, Feb 8, 2020. [Isha Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga shidaalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Aqalka hoose iyo aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo meelmariyay sharciga batroolka.

2008-dii ayaa la sameeyay sharciga batroolka Soomaaliya, waxaana saxiixay madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, balse waxaa lagu sameeyay dib u habayn.

Sharciga ayaa waxaa ka soo horjeestay dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaasoo sheegay in aan lagala tashan samayntiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*