Taliyaha AFRICOM oo sheegay in ciidan dhimista Mareykanka ee Afrika aysan saameyn ku yeelan doonin Soomaaliya

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas D. Waldhauser. [Sawir Hore]
Washington-(Puntland Mirror) Ciidan dhimista qorsheysan ee qaarada Afrika saameyn kuma yeelan doonto howlgalada argagixiso la dirirka Soomaaliya, halkaasoo Mareykanku ay ka fuliyaan duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab, sida uu Aqalka Congress-ka u sheegay taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas D. Waldhauser, ayaa sheegay in 300 la dhimi doono ciidamadda Mareykanka ee ku sugan Afrika bisha June ee sanadka 2020, wajiga kowaad ee dhimista oo ah 10 boqolkiiba. Balse waxa uu sheegay in uusan hubin haddii wajiga labaad ee dhimista la amri doono.

Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in dhimista ciidamada Mareykanka ee Afrika ay qeyb ka tahay qorsheyaal dib loogu fiirinayo fiiro gaar ah oo ku saabsan tartan xoogleh oo ka yimaada Ruushka iyo Shiinaha. Laakiin dhimista ayaa keentay walaac ka timid xubnaha Aqalka Concress kuwaasoo su’aal ka keenay haddii ay kordhin karto khatarta argagixisada ee qaarada.

Hadda waxaa ku sugan Afrika qiyaastii 6,000 ciidamo Mareykan ah, iyadoo intooda badan oo ka badan 4,000 ay ku suganyihiin saldhiga Mareykanku uu ku leeyahay dalka Jabuuti.

Ku dhawaad 500 ciidamo Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, halkaasoo Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Sanadkan, Mareykanka ayaa qaaday 24 duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in 236 maleeshiyo ah lagu dilay duqeymaha sanadkan. Sidoo kale 338 lagu dilay duqeymo dhacay sanadkii lasoo dhaafay ee 2018.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*