Soomaaliya oo u dabaaldagaysa sanadguurada 56-aad ee madaxbanaanida dalka

IMG_3376
Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo salaan sharaf ka qaadanaya ciidamada bambayda, Muqdisho 1-Luulyo, 2016-ka. Sawirka/Radio Muqdisho.

 

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wadanka Soomaaliya ayaa u dabaaldagaya munaasabada 56-aad ee madaxbanaanida dalka.

Xuska 1-da Luulyo oo ah maalintii ay gobolada Soomaaliyeed ee koonfurta ka qaateen xornimadooda Talyaaniga ahna maalinta ay midoobeen waqooyi iyo koonfur ayaa laga xusay gudaha dalka iyo dibadaba.

Gudaha Muqdisho munaasabad weyn ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowlada hoose ee magaalada, waxaana kasoo qaybgalay munaasabada Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo saraakiil sare oo dowlada ah.

Madaxweyne Xasan ayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada kowda Luulyo, isagoo sheegay in xukumadiisa ay ka shaqayn doonto midnimada ummada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, gobolada kala duwan ee dalka iyo Soomaalida kunool dibada ayaa xusay munaasabada kowda Luulyo.

Soomaaliya ayaa xornimadeeda ka qaadatay wadamadii gumaysiga ahaa ee Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1960-kii.

Kadib burburkii xukuumadii gacaanka ahayd ee gelikiis taliye Maxamed Siyaad Bare Soomaaliya ayaan helin maamul rasmiya oo dowladeed.

Dowlada uu caalamka dabada ka riixayo ee Soomaaliya ayaa isku dayaysa sidii loo soo celin lahaa haayadihii dowlada ee wadanka kuyaala Geeska Afrika.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*