Xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland oo gacanta u galay ciidamada maamulka Somaliland

Canjeex
Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan (Can-jeex). Sawirka: Puntland Post.

Garoowe-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka dowlada Puntland ayaa gacanta u galay ciidamada maamulka Somaliland maanta oo Isniin ahayd, sida uu sheegay mid kamid ah baarlamaanka Puntland.

Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan (Can-jeex) iyo shan kamid ah ilaaladisii ayaa waxaa jidka u galay ciidamada Somaliland.

Xubin kamid ah baarlaamanka Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay in xildhibaanka uu gacanta ugu jiro ciidamada maamulka Somaliland kadib markii ay jidka u galeen xilli uu marayay deegaan u dhow halka uu dagaalkii maanta ka dhacay.

Can-jeex ayaa sidoo kale soo noqday wasiir ku-xigeenkii cadaalada Puntland.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta gelinkii hore ku dagaalamay deegaanka Booda-cade oo qiyaastii 35km kaga beegan dhanka galbeedka magaalada Dhahar.

Sida ay sheegayaan warar uu warsidaha Puntland Mirror ka helayo deegaanadaas ciidamo aad u badan oo gaashaaman oo ka socda Puntland ayaa gelinkii dambe ee maanta halkaas gaaray.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*