Xagee maraysaa badbaadinta doonida ganacsi ee ku caariday xeebta Boosaaso?

Dooni ayaa sida badeeco gaareysa 1500 tan. [Sawirka: c.bulshaawi]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Shaqada badbaadinta doonida xamuulka sida ee xumaatay ayaa maraysa meeshii ugu dambeysay, sida ay sheegeen howlwadeenada.

Shiikh Fuaad Aflow, oo kamid ah howlwadeenada, ayaa warbaahinta u sheegay in hadda ay wadaan dhiggidii kunteenarada badda si doonta looga dajiyo badeecadda saaran.

Maalmihii ugu dambeeyay, ganacsatada ay doonida u rarantahay oo kaashanaya bulshada Boosaaso ayaa waday dhismaha dekad kumeel gaar ah oo lagu badbaadinayo badeecadda.

Doonida ganacsi oo sida badeeco gaareysa 1500 tan ayaa horaantii asbuucii lasoo dhaaftay ku caariday xeeb u dhow dekada Boosaaso kadib markii ay ciladowday.

Doonida oo ka timid magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta ayaa waxaa saaran badeeco gaaraysa $8 milyan, sida ay sheegeen ganacsatadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*