Wasiirka Amniga Puntland oo sheegay in ay isku diyaarinayaan dagaal ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Buuraha Galgala

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab. [Xigashada Sawirka: Garowe Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland ayaa isku diyaarinaya dagaal ka dhan maleeshiyada Al-Shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala gudaha Buuraha Galgala gelinkii hore ee Khamiista.

Isaga oo gudaha magaalada Garoowe kula hadlayay warbaahinta maxaliga ah, Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in Puntland ay isku diyaarinayso howlgal inta lagu guda jiro bishaan.

“Waxaan rajaynaynaa in aan qaadi doono dagaal ka dhan ah sharwadayaasha inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan,” Wasiirka ayaa sidaa sheegay.

“Sidoo kale waxaan rabaa in aan ciidamada dowladda u sheego meel walba oo ay joogaan in ay diyaargaroobaan.” Ayuu ku daray.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa saacado kadib markii maleeshiyaad katirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo kuyaala tuulada Af-urur ee Buuraha Galgala, ugu yaraan 25 askari oo ciidamada Puntland katirsan ayaa lagu dilay weerarkaas, sida ay sheegeen ilo-wareed madax-banaan.

Waxaa uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo hal maalin soo gaara ciidamada Puntland tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii 2010-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*