Kulankii ugu horeeyay ee madaxweyne Xasan Shiikh iyo madaxda maamul goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Kulanka oo ka furmay xarunta Villa Somalia. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kulan u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah ayaa maanta oo Sabti ah ka furmay Muqdisho.

Kulanka oo socon doona labbo maalmood ayaa diirada lagu saari doonaa sidii haayadaha federaalka ay iska kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhammaystirka dastuurka, garsoorka iyo xaaladaha bini’aadanimo.

Waa kulankii ugu horeeyay oo dhinacyada dhexmara tan iyo markii Xasan Shiikh Maxamuud loo doortay maadaxweyne 15-kii May. Xiriirka u dhaxeeyay dowladda xubnaha ka ah federaalka qaarkood iyo xukuumadii uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadihii u dambeeyay aad u xumaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*