Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

Sawirka: Marxuum Maxamed Abshir Muuse.

Minneapolis-(Puntland Mirror) Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliiska Soomaaliya Maxamed Abshir Muuse ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Waxa uu jiray 91-sanno. Waxaa uu wax ku bartay dalka Talyaaniga.

Maxamed Abshir ayaa noqday taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya sanadkii 1960 waxaana uu taliye u ahaa muddo sagaal sanno ah ilaa iyo inqilaabkii 1969 ee Maxamed Siyaad Bare.

Sanadkii 1969 ayaa waxaa xiray Maxamed Siyaad Bare kadib markii Maxamed Abshir uu ka hadlay isaga oo kasoo horjeeda inqilaabka.

Kadib markii uu burburay taliskii Maxamed Siyaad sanadkii 1991, Maxamed Abshir ayaa noqday hoggaamiyaha Jabhadii SSDF.

Maxamed Abshir ayaa ku noolaa gudaha Mareykanka tan iyo sanadkii 1998, bishii July ee sanadkan ayaa la dhigay isbitaal kadib xanuun deg deg ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*