Shir-weynaha madaxda urur goboleedka IGAD oo Muqdisho ka furmay

shirka-weynaha-igad
Shir-weynaha madaxda IGAD oo Muqdisho ka furmay maanta oo Talaado ah. Sawirka: Radio Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir madaxeedka wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta oo Talaado ah si rasmiya uga furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalkiisa martigeliyay shirka ayaa si rasmiya u furay shirka.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, Raysulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa shirka kasoo qaybgalay.

Waxaa kale oo shirka kasoo qaybgalay masuuliyiin sar sare oo matalaya wadamada kale ee IGAD kamid ah.

Shirkan ayaa ah kii kowaad oo Muqdisho lagu qabto tan iyo markii la asaasay urur goboleedka IGAD 30-sanno kahor, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada Soomaaliya.

Arrimaha ugu muhiimsan ee shirka looga hadlayo ayaa waxaa kaimd ah xaaladaha wadamada Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*