Midowga Yurub oo kordhiyay wakhtiga howlgalkooda tababarka ciidamada Soomaaliya

Askaro katirsan Holwgalka tababarka milatariga Midowga Yurub oo tababar siinaya askari Soomaali ah. [Sawir Hore]
Brussels-(Puntland Mirror) Golaha Midowga Yurub ayaa kordhiyay wakhtiga tababarka Midowga Yurub ee ciidamada Soomaaliya, iyada oo ka dhigay 31 December 2020 waxayna isku raaceen miisaaniyad dhan €22.9 milyan laga bilaabo 1 Janaayo 2019 ilaa iyo 31 December 2020, sida ay ku sheegeen bayaan soo baxay Isniintii.

Guddiga ayaa sidoo kale waxyar habeeyay in waajibaadka hadda socda uu siyaasad iyo istiraatiijiyad talo oo ciidan uu siiyo haayadaha Soomaaliya uuna gacan ka geysto horumarka ciidamada qaranka Soomaaliya. Sidoo kale waxay taageeri doonaan howlwadeenada kale sidii ay u fulin lahaayeen waajibaadyadooda u gaarka ah ammaanka iyo difaaca Soomaaliya.

Holwgalka tababarka milatariga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa la bilaabay bishii December 2010 si ay u siiyaan la talin siyaasadeed iyo heer istiraatiijiyadeed milatari haayadaha difaaca Soomaaliya.

Holwgalka ayaa fadhigiisu yahay Muqdisho tan iyo 2014-kii. Sidoo kale waxay leeyihiin koox ka badan 200 qof oo shaqaale ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*