Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii ugu horeeyay ciidanka booliiska Soomaaliya Maxamed Abshir Muuse

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Cali Ducaale/Sawirqaadaha Madaxweynaha]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Maxamed Abshir Muuse.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse,” ayuu yiri Farmaajo.

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaana Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin.” Ayuu ku sii daray.

Sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa, taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliiska Soomaaliya Maxamed Abshir Muuse ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, isagoo da’adiisu ay hayd 91 sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*