Maleeshiyada Al-Shabaab oo weerartay saldhiga Balidoogle

Saldhiga Balidoogle. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maanta oo Isniin ah weerar ku qaaday saldhiga Balidoogle oo kuyaala gobolka Shabeella Hoose, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan laamaha ammaanka.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa maleeshiyadu ay la beegsatay irida hore ee saldhiga waxaana daba socday weerar dagaalyahano hubeysan oo ka socda Al-Shabaab.

Saldhiga Balidoogle, oo qiyaastii 100 kiilomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimada Muqdisho ayaa waxaa adeegsada ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaaliya oo halkaas lagu tababaro.

Idaacada ciidanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku warantay in ciidamada saldhiga ku sugnaa ay iska difaaceen weerarka.

Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaan la ogeyn ilaa iyo hadda.

Dhanka kale qarax ayaa lala eegtay kolonyo siday tababarayaal Talyaani ah gudaha Muqdisho, goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen gaari aan xabadu karin oo si weyn ugu waxyeeloobay qaraxa oo loo malaynayo in uu ahaa mid loo adeegsaday gaari uu waday qof naftiis halige ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*