Todobo qof oo ku dhaawacmay qaraxa waddada lagu aaso oo ka dhacay Muqdisho

Kooxda gurmadka deg dega ah oo caawineysa dadka ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay isgoyska Banaadir ee Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror)  Todobo qof ayaa ku dhaawacmay qarax dhulka lagu aasay oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen haayadaha ammaanka.

Qaraxa ayaa lagu rakibay isgoyska Banaadir ee kuyaala Muqdisho.

Dadka ku dhaawacmay ayaa ahaa kuwa lugeynayay halkaas. Mana ay jirin wax baabuur ah oo marayay waddada marka qaraxa uu dhacay.

Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada, balse xagjiriinta Al-Shabaab ayaa si joogto ah u qaada qaraxyada ka dhaca gudaha Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka.

Axadii, afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weeraro madaafiic oo ka dhacay Muqdisho kaasoo ay masuuliyadeeda sheegteen Al-Shabaab.

Labadii bilood ee lasoo dhaafay, wax qarax ah oo khasaare weyn dhaliyay kama dhicin Muqdisho. Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan intii lagu guda jiray bishii Ramadaanta oo maleeshiyadu inta badan ay labo jibaaraan weeraradooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*