Ugu yaraan todobo qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan todobo qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa lagu dilay kadib markii qarax laga soo buuxshay gaari lagu qarxiyay boosteejada basaska oo kutaala Muqdisho maanta oo Khamiis ah sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Intooda badan dadka dhintay ayaa waxay ahaayen dad rayid ah, sida ay sheegeen ilo-wareedku.

Ma jito cid sheegatay masuuliyada qaraxyadaas, balse xagjiriinta Al-Shabaab ayaa mar walba qaada weeraradaan oo kale.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay kororto, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Caasimada Soomaaliya ayaa asbuucyadii u dambeysay ka nasatay qaraxyada dhimashada badan ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*