Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddi kasoo talobixiya amniga magaalooyinka

Madaxweyne Deni.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah magacaabay guddi si ay uga soo talobixiyaan amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaan caasimada Garoowe.

Guddiga oo ka kooban saddex xubnood ayaa kala ah:

  1. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin)
  3. Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin)

“Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo, sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka iyo loona sii horumarin lahaa qosheyaasha amni ee dowliga ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Magacaabista ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay magaalooyinka Puntland gaar ahaan Garoowe lagu dilay dad shacab ah, oo intooda badan ay geysteen ciidamo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*