Golaha aqalka sare oo meelmariyay xeerka warbaahinta Soomaaliya

Aqalka sare ee Soomaaliya. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha aqalka sare ayaa maanta oo Talaado ah meelmariyay xeerka warbaahinta Soomaaliya.

Xeerka ayaa waxaa ogolaatay 23 xildhibaan, waxaa diiday saddex, halka uu hal mid ka aamusay, sida uu sheegay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Aqalka hoose ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay xeerka warbaahinta sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.

Khatarta haysata warbaahinta

Soomaaliya oo aan lahayn sharci iyo kala dambayn tan iyo markii ay dhacday dowladdii ay ciidamadu hoggaaminayeen sanadkii 1991, ayaa ugu horeysa meelaha ugu khatarta badan dunida oo ay ka howlgalaan warbaahintu.

Tobonaan suxufiyiin ah ayaa 30-kii sanno ee lasoo dhaafay lagu dilay gudaha Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ka baxsadeen dalka.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019, ayaa kamid ah sanadaha ugu dhimashada yaraa warbaahinta Soomaaliya, waxaana la dilay labo wariye oo ay midi ahayd Hodan Naaleeyee, oo haysatay dhalshada Canada, oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Kismaayo bishii July 2019.

Inkastoo ay dhimashadu yarayd haddana waxaa sanadkii 2019 aad u badnaa dhibbaataynta wariyeyaasha sida xirida iyo jir dilka. Qiyaastii 38 suxufi ayaa la xiray, waxaana la jir dilay 37, sida uu warbixin sanadeedkiisa ku sheegay ururka Somali Journalists Syndicate.

Ururka Al-Shabaab oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya ayaa khatarta ugu weyn ku ah warbaahinta madaxa-banaan, halka sidoo kale ay khatar kale kala kulmaan haayadaha Soomaaliya sida ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*