Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis hordhac ah oo lagu joojinayo dagaalka Gaalkacyo ku gaaray dalka Isutaga Imaaraatka Carabta

leaders
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed. [Sawirka: Puntland Mirror graphic design]
Abu Dhabi-(Puntland Mirror) Madaxweynayaasha dowlada Puntland iyo maamulka Galmudug ayaa heshiis hordhac ah waxa ay ku gaareen magaalada Abu Dhabi ee caasimada dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ay soo-saareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya; Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle oo magaalada Abu Dhabi ku yeeshay kulan diirada lagu saarayay sidii xal loogu heli lahaa colaadaha soo noq-noqda ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in aan loo baahnayn in xilligan uu sii socdo dagaal sokeeye iyada oo lagu jiro xilli xasaasi ah.

Madaxweynayaasha ayaa bayaanka ku sheegay in lagu heshiiyay qodobadaan:

  1. In xabada joojin labada dhinac si deg deg ah u dhaqan galiyaan

  2. In la joojiyo dhammaan wixii abuuraya colaada taas oo la isu mariyo hawada.

  3. In ay dib ugu soo laabtaan dhammaan dadka ku barakacay magaalada Gaalkacyo

  4. In labada dowlad goboleed soo magacaabaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii xal waara looga gaari khilaafka soo noq-noqday.

  5. In kulan deg deg ah oo lagu soo afjaro khilaafkan, la isugu yimaado magaalada Kismaayo 20-ka bishaan November.

Ugu dambayna Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta uga mahadceliyay gogosha nabadeed ee ay u fideeyeen.

Ugu yaraan 30 qof oo uu badan dhinacyada dagaalamay ayaa ku dhimatay dagaalo culus oo asbuucyadii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Ku dhawaad 90,000 qof ayaa ku barakacay dagaaladaas, iyadoo in ka badan 20,000 arday ay waxbarashadoodii ka istaagtay colaada darted.

Bishii December ee sanadkii hore 2015-ka ayaa madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo kan maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed waxay heshiis kan lamid ah waxay ku gaareen magaalada Gaalkacyo kadib markii dagaal dhiig badan ku daatay uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii 2015-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*