Niman baastoolad ku hubaysnaa oo nabadoon ku dilay Muqdisho oo la qabtay

kooxda-dilka-geystay
Labada nin ee dilay nabadoonka oo nolol lagu qabtay iyaga oo dhaawac ah. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Labo nin oo baastoolad ku hubaysnaa ayaa galabta oo Arbaco ah ku dilay nabadoon degmada Wadajir ee Muqdisho.

Nabadoon Hilowle Xaafow oo kamid ahaa nabadoona dhaqanka oo si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho ayaa labo nin oo baastoolad ku hubaysnaa toogteen.

Labada nin ee dilka geystay ayaa gacanta lagu dhigay iyaga oo dhaawac ah kadib markii mid kamid ah ciidamada amaanka dowladda uu dhaawacay nimanka dilka geystay.

Nabadoonka ayaa ugu geeriyooday isbitaalka dhaawac kasoo gaaray toogashada nimankaas, sida uu saxaafada u sheegay afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.

Lama oga wali cida ay ka tirsanyihiin nimanka dilka geystay oo hadda ku jira gacanta ciidamada dowladda, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa weeraro kan lamid ah horey u qaaday.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*