NISA oo qabatay nin katirsan Al-Shabaab oo rabay in uu weerar bumbo gacmeed ka geysto Muqdisho

Bumabada gacanta ee F1 oo ninka la qabtay uu rabay in uu weerar ku qaado. [Isha Sawirka: NISA]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada sirdoonka iyo nabadsugida Soomaaliya ee NISA ayaa qabatay nin katirsan Al-Shabaab oo rabay in uu weerar bumbo gacmeed ka geysto Muqdisho habeenimadii xalay.

Ninka ayaa la qabtay isaga oo aan wax dhibbaato ah geysan, sida NISA ay ku sheegtay bayaan ay ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Bayaanka oo ay soo dhigtay NISA ayaa waxaa la socda sawirka ninka katirsan Al-Shabaab ee ay sheegeen in ay qabteen iyo bumbada gacanta laga tuuro ee loo yaqaan “F1”.

Ninka weerarka qaadi lahaa ee la qabtay. [Isha Sawirka: NISA]
Tilaabadan ayaa imaanaysa iyadoo ammaanka caasimada uu soo hagaagayo bilihii u dambeeyay kadib mowjado weeraro qaraxyo gaari ah oo ay Al-Shabaab ka geysatay halkaas wakhtiyadii dhawaa ee la soo maray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*