Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Jubbada Dhexe

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in duqeyn ay qaadeen Isniintii oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ay ku dileen hal dagaalyahan.

Ma jirto wax shacab ah oo khasaare ka soo gaaray duqeynta, bayaanka oo soo baxay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa intaas ku daray.

Waa duqeyntii afraad oo Mareykanku ka geysto gudaha Soomaaliya sanadkan 2020. Waxaana intooda badan ay ka dhaceen gobolada Jubbooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*