Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu ka qeybgali doono caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland

Madaxweyne Deni. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu ka qeybgali doono caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland.

Wareysi ay la yeelatay laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu kamid yahay martida lagu casumay caleemosaarka.

“Martida lagu casumay baan kamid ahay waana u socdaa, waana ka qeybgali doonaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hawada Soomaaliya aysan lahayn cid gaar ah oo iyadu sida ay rabto ka yeeli karta.

“Hawada Soomaaliya ma ahan dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan sharci lagu maro, aad baan uga xunahay in ku xadgudub dastuur uu dhaco, xayiraada dadka iyo isku socodka lagu soo rogay arrin sax ah ma ahan waana arrin aan ku habboonayn dowladnimada iyo dadnimada.” Ayuu yiri.

Asbuucaan qoraal ka soo baxay haayada duulista hawada Soomaaliya ayaa lagu mamnuucday dhammaan duulimaadyada Kismaayo laga bilaabo 23 September ilaa 26.

Tilaabadan ayaa daba socotay go’aan ay dowladda federaalka Soomaaliya Axadii kaga hor istaagtay madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu tago Kismaayo si uu uga qeybgalo munaasibad caleemosaar.

Munaasibada caleemosaarka Axmed Maxamed Islaam oo dabayaaqadii bishii la soo dhaafay dib loo doortay ayaa qorshuhu ahaa in maanta oo 26-ka September ah ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, balse war-saxaafadeed ay Arbacadii shalay soo saareen maamul goboleedka Juubaland ayay ku sheegeen in dib loo dhigay wakhti aan la sheegin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*