Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir ku saabsan maalgashiga uga qeybgali doona Turkiga

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo diyaarad ka gacan haatinaya kahor inta uusan u duulin Turkiga, Sept 25, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wefdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Arbaco ah u safray dalka Turkiga.

Weftiga ayaa waxaa kamid ah wasiiro, xildhibaano iyo ganacsato kuwaasoo halkaas uga qeybgali doona shir ku saabsan maalgashiga oo u dhaxeeya Turkiga iyo Afrika.

Madaxweyne ku xigeenka oo warbaahinta kula hadlay garoonka kahor inta uu saan safrin ayaa yiri: “Waxaan halkaan idinla wadaagayaa safar yar oo aan ku tegi doono dalka Turkiga oo ula jeedadiisu tahay shir ka dhacaya Turkiga oo lagu casumay dowladaha Africa badidooda, shirkani wuxuu runtii daba-jooga kii ka dhacay Puntland oo aad u farxad geliyay shacabkeena iyo beesha caalamkaba.”

“Wafti baa ila socda oo isugu jira dowladda Puntland iyo Ganacsato oo casuumaad ka helay dowladda iyo Ganacsatada Turkiga. waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in Puntland daafaha dunida laga bartay, gaar ahaan Maalgashiga oo runtii aan codsiyo badan ka helayno.” Ayuu ku sii daray.

Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in Puntland ay soo dhawaynayso cidkasta oo maalgashanaysa, adduunkuna uu arkay nabad-gelyada ka jirta, dowladduna ay ballan qaadayso inay ilaalin doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*