Wasiirka Amniga Soomaaliya oo sheegay in dowladdu ay soo bandhigi doonto faahfaahinta qaraxii Muqdisho

Sawirka: Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigi doonta faahfaahinta qaraxii Muqdisho kaasoo dilay ugu yaraan 360 qof, sida uu sheegay wasiir.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay gudaha Muqdisho, Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow ayaa sheegay in dowladdu ay soo bandhigi doonto faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan qaraxii Muqdisho maalmaha soo socda.

Ciidanka ammaanka ayaa xiray dhowr qof oo lala xiriirinayo qaraxii gaariga ee Muqdisho, sida uu sheegay wasiirku.

Weerarkii Sabtidii dhacay ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya.

Maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasoo mar walba qaada qaraxyada dhimashada leh ee Muqdisho ka dhaca, ayaan sheegan masuuliyada weerarkaas, balse masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in ay iyagu ka dambeeyaan weerarka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*