Dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee gudaha magaalada Garoowe oo la dhagax-dhigay

Dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee gudaha magaalada Garoowe oo la dhagax-dhigay. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ee gudaha magaalada Garoowe ayaa la dhagax-dhigay shalay oo Jimce ahayd.

Dhismaha ayaa laga dhisayaa xarunta Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo horey u ahaan jirtay xaruntii hore ee Bangiga Dhexe xilligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socotay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo uu kamid ahaa Cawil Aadan Maxamuud oo ah agaasimaha qaybta lacagta ee Bankiga dhexe ee Soomaliya iyo masuuliyiin ka socotay Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Maaliyada Cabdullaah Siciid Caarshe iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Puntland  Cabdi Ismaaciil Boos.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu xarumo kala duwan ka furto dhammaan magaalooyinka waa-weyn ee dalka iyada oo dhawaan la filayo in la sameyn doono lacag cusub oo uu dalku leeyahay ku dhawaad 25-sanno kadib si loo badalo lacagaha faalisada ah ee suuqyada dalka wareegaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*