Kenya oo sheegtay in ciidamadoodu ay jasiirada Kudha ku dileen abaanduule Al-Shabaab ah

Kenya oo sheegtay in ciidamadoodu ay jasiirada Kudha ku dileen abaanduule Al-Shabaab ah. [Sawirka: Archive]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ciidamada Difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen abaanduule katirsan Al-Shabaab kadib markii ay maleeshiyadu weerareen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin jasiirada Kudha ee gobolka Jubbada Hoose, sida uu sheegay masuul katirsan Kenya.

Kornayl Joseph Owuoth oo ah madaxa arrimaha bulshada u qaabilsan ciidamada KDF ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta oo Sabti ah dileen abaanduulaha Al-Shabaab, iyadoo laga jawaabcelinayay weerarka ay maleeshiyadu ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Mid kamid ah argagixisada la dilay ayaa ahaa abaanduule Al-Shabaab ah oo la dhaho Baashe Nuur Xasan, oo kamid ahaa dadka deegaanka Kudha  kasoo ku dhashay kuna barbaaray deegaanka kahor inta uusan ku biirin ururka argagixisada ah dhowr sanno gadaashood,” ayuu yiri Kornayl Joseph Owuoth.

Hub uu kamidyahay qoriga AK-47 ayaa lagu qabsaday weerarka maleeshiyada ka dhanka ah kadib, sida uu sheegay Kornayl Joseph Owuoth.

Sheegashada ayaan si madax-banaan loo xaqiijin Karin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa Kenya oo ka hoos shaqeeya howlgalka Amisom ayaa jasiirada Kudha ka xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii 2015-kii.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*