Ciidamada DFS iyo AMISOM oo howlgal wadajir ah oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay sarkaal sare oo Al-Shabab ah

Somali soldier
Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya. Sawirka: Xinhua News Agency.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Sarkaal sare oo katirsan kooxda ku xiran urur weynaha Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM shalay oo Khamiis ahayd ka sameeyeen deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay afhayeenka.

Afhayeenka howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, Kornayl Joe Kibet oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in la dilay sarkaal katirsan maleeshiyada Al-Shabaab kuwo kalena la dhaawacay.

“Hoggaamiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa magaalada, Maxamed Xasan ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay xoogaa hub ahna waa laga qabsaday howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ciidamadayada iyo kuwa dowlada,” afhayeen Joe ayaa sidaa yiri.

Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay caawinayaan AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ka waday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sanadkan.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*